Calendar

Gudoomiyaha Degmada Xamar-Weyne iyo Ilaaladiisa oo maanta la wada dhaawacay markii loo maleeyay gaariga ay wateen mid Isqarxinaya.

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Badda Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa maanta rasaas la beegsaday gaariga Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne oo ay maleeyeen mid isqarxin samaynaya.

Gaari uu watay Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne Ee MNuqdisho ayaa maanta rasaas lagu asqeeyay ka dib markii looga shakiyay in uu doonayay mid isqarxinaya.

Hotelkii Curubo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dagan Ciidamada Badda Dowlada Soomaaliya halkaasi oo maanta uu gaaray gudoomiyaha Xamarweyne oo watay gaari nuuca Ronerdka ah.

Xiliga gaariga uu soo galay albaabka Hotelka ayaa waxaa jiha waliba looga bilaabay rasaas taasi oo sababtay dhaawaca Gudoomiyaha iyo 4-ka mida ilaalada masuulkaasi.

Masuulkaasi dhaawaca uu gaaray iyo ilaaladiisa ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka ay maamulaan Ciidamada AMisom eek u yaala Madaxtooyada.

Xaalada Gudoomiyaha ayaa laga dayrinayaa waxaana la sheegay in dhaawaca uu ka gaaray Feeraha iyo Madaxa taasi oo halis galisay noloshiisa.

Cabsida Xarumaha Ciidamada ka taagan ayaa waxa ay noqotay mid isa soo taraysa taasi oo inta badan dhalisa in qasaaro uu ka soo gaaro dadka wata gawaaridda nuuca raaxada oo inta badan ciidamada ay uga shakiyaan in uu saran yahay qof doonaya in uu ismiidaamiyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: