Calendar

Alshabaab oo hub kala wareegtay beel ka mida Beelaha dagan Gobolka Bay kuna baaqday in Beelaha kale ay hubka soo wareejiyaan.

huBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab Gobolka Bay ayaa maanta Hub fara badan kala wareegtay Beel ka mida Beelaha dagan Gobolka Bay.

Munaasabad maanta Hubka lagula wareegayay oo ka dhacday Deegaanka Xawaal Barbaar ee Gobolka Bay ayaa waxaa ka qeybgalay Saraakiil sar sare oo Alshabaab ka mida.

Beesha dagan Deegaanka Xawaal Barbaar ayaa waxaa la sheegay in ay wareejisay in ka badan 4-Gawaarida dagaalka ah iyo qorya Gacmeedyo fara badan.

Beeshaasi ayaa waxaa dhawaanahan la shirayay saraakiil ka mida Beesha oo Alshabaab ka mida kuwaasi oo maanta munaasabad u dhigay wareejinta Hubka.

Sheekh Mahad Cumar C/Kariin oo ah Sargaalka hogaanka u ah Kooxda Alshabaab ee maamusha Bay iyo Bakool ayaa waxa uu hadal uu jeediyay ku sheegay in beeshaasi ay tahay beeshii ugu horaysay ee Hubka ku wareejisa Xarakada ALshabaab.

Masuulkaasi maamulka Bay iyo Bakool magacooda ku hadlayay ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in  dhammaan Hubka ay hayaan Beelaha kale ay ku wareejiyaan gacanta maamulka.

Gudoomiyaha ALshabaab Bay iyo Bakool ayaa hadalkiisa waxa uu sii raaciyay in hubka uu yahay mid badan islamarkaana lagu difaacayo shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbayn waxa uu sheegay Sargaalkaasi Alshabaab Bay iyo Bakool magacooda ku hadlayay in ay farayaand hammaan Beelaha dagan Bay iyo Bakool in ay Hubka soo wareejiyaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: