Calendar

Gudoonka guddi hoosaadyadda baarlamaanka oo lasoo xulay [SAWIRO]

Kulan ay ku yeesheen baarlamaanka Soomaaliya, xaruntooda ay ku shiraan ee Magalada Muqdisho ayaa ay ku doorteen gudoomadda guddi hoosaadyadda baarlamaanka uu yeelanayo.

Kalfadhigan oo ahaa kii koowaad ee kulanka 45-aad ee mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa shir gudoominnayay gudoomiye ku-xigeenka Jeeylaani Nuur Ikar.

Xubnaha baarlamaanka ee kulanka ka qeyb galay ayaa ku guuleystey iney doortaan qaar badan oo gudoomiyaasha guddi hoosaadyada baarlamaanka oo ku jiraan guddiyadda,

Gudiga beeraha hormarinta reer miyiga xoolaha iyo kheyraadka Badda, gudiga xaquuqul insaanka haweenka iyo arrimaha bini’aadannimada, gudiga wacyigalinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta, gudiga Dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha, gudiga xeer hoosaadka anshaxa xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada iyo gudiga difaaca.

Gudoomiyaha guddiga difaaca ayaa waxa loo doortey wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise isagoona saxafada la hadlay waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka cusub ee baarlamaanka u doorteen, uuna sheegay iney wax badan ay qaban doonaan.

Sidoo kale gudoomiyaha gudiga xaquuqul insanka, haweenka iyo Arrimaha binn’aadanimada ayaa waxa loo doortey wasiiradii hore ee haweyn-ka Khadiijo Maxamed Diiriye.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: