Calendar

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR oo ka hadashay Barakaca Soomaaliya ku sii baahaya.

imagesBartamaha(Nairobi): Hay’ada UNHCR ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadlayso dhibaatada Barakaca ee ka sii socanaya Soomaaliya iyadoo walaac ka muujisay Barakaca balaaran ee ka socanaya Soomaaliya.

Hay’ada Qaxootiga Adduunka Ee UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in ay soo kordhayaan dadka ka barakacaya Gobolada Soomaaliya kuwasi oo bishii la soo dhaafay sameeyay barakac ay naftooda uga baxsanayaan dagaalada.

UNHCR ayaa sheegtay in gudaha Soomaaliya ay ka barakaceen bishii la soo dhaafay oo kaliya 80.000-oo ruux oo dagaalada ka dhacaya Gobolada dhexe ay saamayn ku yeesheen.

Andre matsh oo u hadlay UNHCR ayaa sheegay in bishii la soo dhaafay ay dhinteen 258-ruux oo shacab ah iyadoo dhaawac ahaan loo dabiibayo 253-kale oo dhamaan shacab ah oo dagaalada waxyeela ay ka soo gaartay.

Dadka isaga cararay Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay kor u dhaafayaan 1.4-Milyan oo ku barakacay Wadamada Yaman,Kenya iyo Ethiopia oo dhibaato nololeed ay qaarkood la soo derestay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: