Calendar

Hay’adda Samofalka HIRDA oo Magaalada Muqdisho gargaar rashin ah ugu qaybisay Qoysas Barakacayaal ah

HIRDA1

Hay’adda samofalka HIRDA (Himilo Relief & Development Association), ayaa deeq raashin ah ugu qaybisay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho qoysas barakacyaaal ah.

Qoysaska deeqda loo qaybiyay ayaa waxay tiradoodu ahayd in ka badan 300, kuwaasoo oo ku jiray kaam ku yaalla degmada Hodan, waxaana qoys walba uu helay: 50-kg oo bariis ah, 50-kg oo bur iyo saddex liitar oo saliid ah.

HIRDA2

Gargaarkan ayaa waxaa ku deeqday hay’adda caalamiga ah ee ETWA-Netherlands, waxaana deeqdan loo wakiishay inay gaarsiiso qoysaska loogu talogalay hay’dda HIRDA oo ka shaqeysa Soomaaliya oo dhan.

“Waxaan u mahadcelinaynaa hay’adda ETWA-Netherlands oo soo dhiibtay deeqdan, innaguna waxaan gaarsiinnay dadkii u baahnaa iyo xilligii loo Haweeney ka mid ah qoysaskii deeqda ka faa’iideystay oo da’deedu ahayd 70-sano jir ayaa waxay sheegtay in gargaarkan lasoo gaarsiiyay xilli ay baahi u qabeen, iyadoo u mahadcelisay hay’ddii soo dhiibtay iyo middii u qaybisay labadaba.,” ayuu yiri madaxa HIRDA ee Muqdisho, C/daahir Aadan Diiriye.

HIRDA3

Haweeney ka mid ah qoysaskii deeqda ka faa’iideystay oo da’deedu ahayd 70-sano jir ayaa waxay sheegtay in gargaarkan lasoo gaarsiiyay xilli ay baahi u qabeen, iyadoo u mahadcelisay hay’ddii soo dhiibtay iyo middii u qaybisay labadaba.

“Ma ahan markii ugu horreysay oo deeq noocan oo kale ah ay hay’addu qaybiso,” ayuu hadalkiisa ku daray isagoo sheegay inay deeqo noocan oo kale ah ay horay uga qaybiyeen gobollada Soomaaliya qaarkood sida: Gedo, Bay, Galguduud iyo Banaadir.

Hay’adda samofalka HIRDA ayaa ka shaqeysa waxbarshada, caafimaadka, gargaarka bani’aadamnimo iyo sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga horumarin lahayd dhinac walba.

HIRDA4HIRDA7HIRDA8HIRDA5

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Muqdisho, Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: