read more »">
Calendar

Hay’ada MSF oo gabi ahaanba laashay hawlihii ay ka haysay Soomaaliya

imagesHay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa gabi ahaanba joojisay hawlihii ay ka haysay Soomaaliya, iyadoo taasna ku micnaysay ammaan darrada soo kordhaysa ee ka taagan koonfurta Soomaaliya.

Waxayna hay’adu ku eedaysay dawlada Soomaaliya inay ku guul darraysatay sugida ammaanka shaqaalaha MSF gobollada koonfureed ee Soomaaliya.’

Hay’ada ayaa tallaabadan qaaday markii ay cadaadis kala kulantay deegaano ay ka taliyaan kooxda Alshabaab ee daacada u ah hogaamiyaha ururka Alqaacida Aiman Azawahiri.

MSF waxay ahayd hay’ada kaliya ee 22-kii sano ee u dambeeyay aan Soomaaliya ka bixin iyagoo intaas waday kaalmo caafimaad oo ay u fidinayaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in Alshabaab ay la wareegtay dhammaanba isbitaalladii ay muumuli jirtay ee ku yaallay deegaanada ay ka taliyaan.

Maamul goboleed Puntland ayaa ku tilmaamay ka bixitaanka MSF ee Soomaaliya inuu dhabar jab ku yahay fidinta adeegyada caafimaad ee gobolka iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: