Calendar

Qarax-wayn oo gilgilay suuqa Baakaraha ee magaalada Muqdisho

qarax-moqdishoQarax la sheegay inuu ahaa mid laga maqlay xaafado badan oo ku teedsan suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay inuu goor dhawayd ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wariyaha Bartamaha Ugu soo warrama magaalada Muqdisho oo aan magaciisa la shaacin karin sababo xagga ammaanka awgood ayaa sheegay in qaraxan lala beegsaday gaari uu leeyahay nin ganacsade ah.

Waxaana halkaas ku dhintay labo qof oo gaariga saarnayd iyadoo dhaawac soo gaaray ganacsadihii la bartilmeemadsaday.

Xusseen Goleey ayaa kamid ah ganacsatada caanka ah ee laga yaqaano magaalada Muqdisho, ilaa iyo hadana ma cada sababta loo beegsaday gaarigiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo xiray dhammaanba wadooyinka halkaas ka agdhow bilaabayna baaritaano ay ka samaynayaan goobta.

Baryihii ugu dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay weerarada isdaba joogga ah ee lala beegsanayo dad bulshada ka dhex muuqda amaba kamid ah shaqaalaha dawlada Soomaaliya.

Mana jirto cid sheegatay weerarkan oo khalkhal galiyay gabi ahaanba ganacsigii suuqa Bakaaraha oo kamid ah suuqyada ugu waawayn ee gobolka Geeska Afrika.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: