Calendar

Hogaamiyaha Xisbiga UCID oo aqoonsiga dowlada kasoo horjeestey.

Kadib markii dhowaan Dowlada maraykanka ay si rasmi ah u aqoonsatey Dowlada Soomaaliya tan iyo bur burkii Dowladii dhaxe ee Soomaaliya,xili Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagey dalka Maraykanka ayaa waxaa arintaasi ka hadley Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe oo wareysi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu si aad ah uga hadley aqoonsiga buuxa ee dhowaan Dowlada Soomaaliya ay ka heshey Dowlada wadanka maraykanka ayaa waxaa uu ku sheegay inuu heshiiskaasi uu dhabar jab ku yahay maamulka Soomaaliland.
Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in aqoonsiga la siiyay Dowlada Soomaaliya ay tahay mid lagu deg degey oo aan wax loo eegin maamulka Soomaaliland oo sida uu sheegay ahbuu yiri Dowlad ka madaxbanaan dalka Soomaaliya intiisa kale,isagoona niyad jab ka muujiyey Aqoonsiga.
“Aqoonsiga Dowlada Maraykanka ay siisey Dowlada Soomaaliya waa mid lagu deg degey oo aan hada loo bahneyn,waayo waxay sameyneysaa arintan Dowladeena Soomaaliland,marka waan ka xumahay sida aqoonsiga uu u dhacey,laakin aniga Dowladeeda ma yeeleyno:sidaa waxaa yiri Feysal Cali Waraabe.
Dhowaan ayay aheyd markii arintan wax laga weydiiyey Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliland uu sheegay in aaney waxba u dhimaneynin heshiiskan jiritaanka Maamulkiisa.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: