Calendar

Banaanbax ka dhan ah Madaxweyanah oo ka dhacay Maraykanka.

Iyadoo wali Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku joogo Magaalooyin ka tirsan dalka Maraykanka ayaa waxaa Magaalada Minisoota ee dalkaasi ka dhacay banaanbax loogu soo horjeedo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Banaanbaxan loogu soo horjeedey madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ee ka dhacay Magaalada Minisoota ayaa waxaa dhigey oo soo abaabuley qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaaladaasi,iyagoona sheegay iney kasoo horjeedaan Siyaasada madaxweynaha ee dhanka Jubooyinka.
Dadka isku soo baxay ee mucaaradayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Ereyo ka dhan ah madaxweynaha kuwaasi oo ay ka mid ahaa ahaayeen Dooni meyno Siyaasada Xasan Sheekh,waxaa uu Aqoonsan yahay maamulka Baladweyne,waxaa uu kasoo horjeeda danaha Jubooyinka iyo Ereyo kale.
Banaanbaxan ayaa waxaa uu dhacay xili Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmihii ugu danbeeyay booqasho ku marayay qeybo ka mid ah dalka Maraykanka booqasho ku aadan casuumadan uu ka helay Dowlada wadanka maraykanka oo ka mid ah Dowladaha taageerada balaaran siinayo Dowlada Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: