Calendar

Khasaare ka dhashay weerar ay dablay hubaysan ku qaadeen gaari siday shacab galbeedlka gobalka Mudug

Galdogob_ Wararka aanu ka helayno galbeedka gobalka Mudug ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay jidka ugaleen gaari siday dad shacab ah oo marayay deegaan lagu magacabo Saaxaa oo hoostaga gobalka mudug.

Kooxda dablayda ah ayaa lasoo sheegayaa inay rasaas ku fureen gaariga, taasi oo keentay inuu khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaro dadkii saarnaa gaariga.

Inta la hubo labo ruux ayaa geeriyootay halka saddex kalena uu dhaawac soogaray, waxaana iminka xaaladooda lagula tacaalaya Isbitaalka demada Galdogob .

Agaasimaha Isbitaalka degmada Galdogob ayaa saxaafada ushoogay in dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ahba xalay lasoo gaarsiiyay, waxaana uu intaasi raaciyay inay latacaalayaan xaalada dadka dhaawaca ah oo ay siyaabo kala duwan u haleeshay rasaastii ay ku fureen kooxda jidka ugashay.

Wararka ayaa sheegaya in arrintani salka ku hayso aano qabiil, waxaana maamulka degmada Galdogob ay sheegeen inaysan  udul qaadan doonin sii socoshada xiisada u dhexaysa labo beelod oo ku dagalamaya deegaankasi.

Maamulka galdogob ayaa sheegay in guddi dhex dheexadin ah ay udiri doonaan deegaanka ay xiisadu kajirto si loo baajiyo dhiig kale oo ku daata diriirta udhexaysa beelaha walaalaha ah.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: