Calendar

Kooxda Ahlu sunnah oo walaac ka muujisay qaraxyada Ismiidaaminta oo dhawaanahan ku soo badanayay Muqdisho.

b8Bartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ayaa walaac balaaran ka muujisay qaraxyada Ismiidaam inta ah oo Muqdisho joogta ka sii noqonaya.

Madaxa Dacwada iyo Garsoorka Maamulka AHlu Sunnah Gobolada dhexe Sheekh Aadan  ayaa shaaca ka qaaday  in ay ka walaacsanyihiin qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Masuulkasi ahlu sunnah ka mida ayaa sheegay in ay cambaareynbayaan qaraxii la doonayay in lagu dilo wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada KMG ah Yuusuf Indha Cadde.

AHlu sunnah ayaa sheegtay in qaraxyada ay yihiin kuwa ammaanka guud qalqal galinaya loona baahanyahay in la iska daayo qaraxyadaasi oo ay Dowlada qaado howlgal lagu sifaynayo kooxaha qaraxyada ka masuulka ah.

Ahlu sunnah ayaa ka dalbatay Dowlada in ay fadhiga ka kacdo oo dalka laga cirib jaro Kooxahan ammaan darada ka samaynaya magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: