Calendar

Gudoomiyaha Degmada Yeed ee Gobolka Bakool oo la dhaawacay.

xiisadBartamaha(Yeed):-Gudoomiyaha Degmada Yeed Ee Gobolka Bakool  ayaa dhaawac xoogan uu ka soo gaaray dagaal ka dhacay gudaha Degmadaasi Yeed oo ay isku qabteen laba maleeshiyo.

C/saaqid Duwane oo ah gudoomiyaha Degmada Yeed Ee Gobolka Bakool ayaa dhaawac ahaan loo dabiibayaa markii laba maleeshiyo beekeed ay ku dagaalameen gudaha Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa dhaawacmay  markii  dagaalka uu ka dhashay Ceel Biyood ku yaalay Yeed oo ay ku murmeen maleeshiyo kala taabacsan laba beelood isagoo ku dhex jirana uu dagaal bilowday.

Masuulkaasi ayaa haatan la daweynayaan waxa uuna ku jiraa isbitaal markii firir uu feeraha ka galay isagoo doonayay in uu kala dhex galo labada maleeshyo oo mid ka mida beeshiisa ahayd.

Masuulkaasi ayaa waxa uu dhawaanahan ku jiray qorshayaal Ciidan looga dhigayo maleeshiyada Deegaanka Yeed si ay u  qabtaan Gobolka Bakool oo haatan alshabaab ay maamulaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.           

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: