Calendar

Kulan looga soo horjeeday ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay Augustine Mahiga oo muqdisho ka dhacay.

Kulankan ayaa waxaa looga soo horjeeday ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine  Mahiga waxaana isugu ymid Odayaal iyo  xildhibaano.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa xildhibaannadii kulanka maanta ka soo qeyb galay ayaa wuxuu sheegay in soomaaliya xilligan ay marayso maraxalad xun islmarkaana Soomaaliya gacanta loo galiyay dad cadow ah.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa wuxuu tilmaamay in Soomaaliya loo baahan yahay in ay ka tashadaan aayahooda wuxuu carabaabay in dadka Soomaalida laga doonayo in ay isku yimaadaan oo ay wada hadlaan iyadoo uu xusay in soomaaliya ay leedahay taariiq dheer oo lagu xasuusto halgamayaal Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo ah Guddoomiyaha majmaca culumadda Soomaaliyeed oo goobta isna ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in soomaaliya waqtigan ay ku jirto maraxalad adag isaga oo sheegay in Mahiga uu faraha kula jiro siyaasada dalka Soomaaliya sida uu sheegay.

Kulankaan ayaa waxa uu imanayaa odayaasha waxgaradka iyo siyaasinta somaaliyed ay ka soo horjesteen qabka uu wax u wado Augustine  Mahiga.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: