read more »">
Calendar

Maamulka Ahlu Sunna Weljameeca Ee degmada Caabud Waaq oo dib u fasaxay dugsiyadii la xiray

Dugsiyada-QuraankaCaabud Waaq/Bartamaha:Maamulka Ahlu Sunna Welajameeca ayaa dib u fasaxay dugisiyada barashada Quraanka  iyagoo dib ugu howlgaliyay Gudaha Degmada Caabud Waaq Ee Gobolka Galgaduud.

Qaar ka mid ah Dugsiyada Barashada Quraanka ayaa xirnaa Mudoo ku dhaw 10 Maalmood kadib markii amar kusoo rogeen Saraakisha ugu sareyso Uhlusuna Waljameece Ee Degmada Caabdud Waaq, iyagoo haatan Ardayda loo fasaxay inay u dareeraan Goobahha Waxbarshadii laga xayiray.

Dib u furida dugsiyada barashada quraanka ee degmada Caabud Waaq, waxaa ay ka dambaysay kadib markii shir ay isugu yimaadeen Macalimiinta, Waalidiinta, Wrdayda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Sida ay kusoo waramayaan Maamulka Ahlusuuna ayaa shaaciyay inay isku afgarteen Macalimitnta Qodobadii Ee markii hore isku qabteen waxaana soo dhaweyay heshiskaani Walidiinta Oo kasoo qeyb galay Shirkii Ee wada Qaateyn Maamulka Ahlusna iyo Macaliinta .

Maamulka Ahlusuna Ee degmada Caabud Waaq ayaa ku xiray Shuruudo badan 7-dii Dugsii Ee Maalmihii lasoo dhaafay xirnaa iyagoo u rajeeyay Macalimiinta inay fuliyaan Amaradaasi.

Qaar ka mid ah Ardayadii laga xayiray Dugsiyada Qur’aanka ayaa soo dhaweeyay in mar kale Ee arkaan iyagoo aadaya Dugsiyadooda waxayna sheegen inay seegeen Waxbarashadoodii Quraanka taasoo wal wal badan ku abuurtaay laakin maanta ay ka badalantahay shucuurtooda maalmihii uu ka xirnaa Duqgisiyada Quraanka.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: