Calendar

Degmooyinka Wardhiigleey, Howlwadaag iyo Boondheere Oo Dagaalo Culus Ka socda

dagaalMugadisho/Bartamaha:Dowladda FKMG Soomaaliya oo horay u qabsatay in 90-Maalmood gudahood Waddanka kaga sifeyn doonto Kooxda Mucaaradka ku ah Ee Al-Shabaab, ayaa wali wado Dagaalo Xoogan Ee kula jirto iyadoo Taageero Lixaad leh ka helayso Ciidamada Nabad Ilaalinta Waddanka Soomaaliya u joogo Ee AMISOM.

Xilligan la joogo Waxaa Magaalada Mugadisho laga maqlayaa Madaafiicda Xoogan Ee isku Garacayaan Ciidamada dowlada FKMG Iyo Al-Shabaab,waxuna Saakay Dagaalka ka bilaawday Qeybo ka mid ah Magaalada Mugadisho Ee Gobolka Benaadir.

Dagaaladaani ayaa had iyo Jeer ka dhaca Xarumaha Ee ku kal jiraan Labadan dhinac Ee isku hasyta Siyaasadda Dalka Soomaaliya, mar walba uu Dagaal dhacana Waxuu saamayn weyn ku yeeshaa Shacabka jahweerarsan E ku sugan Gudaha Mugadisho.

Degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigeely ayaa waxaa ka dhacay iska horimaad waqti kooban socday iyadoo markii danbana la isku adeegsaday Madaafic Xoogan oo u muuqatay mid ay ku kala nasayaan Ciidamada dagaalamaya, lamana xaqiijin karo Qasaaraha dhabta Ee soo kala gaaray ama sababay Madaafiicidii iyo Rasaastii Ee isku adeegsadeen Kooxaha dagalaamaya.

Dhinaca kale Waxaa Dagaalo Goos Goos ah Saaka ka socda Degmada Boondheere oo baryhii ugu danbeeyay isku badashay Xarun Dagaal.

Goobjoogaayaal ku sugan Degmada Boondheere Ee Gobolka Benaadir ayaa www.Bartamaha.com Qadka Telephoneka ugu sheegay in Saakay la furin xarumihii Ganacsi Ee Xaafaaha Degmada Boondhere iyagoo xaqiijiyay in Madaafiicda dhacayso Ee baqdin xoogan ku abuurtay Shacabka Degmada Boondheere inkastoo Ee hadalka ku dareen Goobjoogayaasha in Ardayda ku sugan Qeybo ka mid ah Xaafahada Degmada Boondheere Ee saakay Ka baaqdeen Waxbarashada Ee subax walbau ka lihi jireen.

Saraakiiisha Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa warbaahinada u sheegay in Guulo ay ka gaareen dagaaladii ugu danbeeyay Ee la galeen Meleeshiyaadka Shabaab iyagoona qiray inay wadi doonaan Dagaalada ay Kula Jiraan Shabaabka inta ay Waddanka Soomaaliya kaga baxayaan.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: