read more »">

Calendar

AMISOM oo kahortimid in dowlada Uganda ay Ciidamo hoostaga UN-ka usoo dirto Somaliya

Muqdisho_ Afayeenka Ciidamada Milateriga dalka Uganda  Paddy Ankunda ayaa dhowaan sheegay in xukuumada Uganda ay qorshaynayso in Soomaliya ay usoo diri doonto ciidamo gaar ah oo ilaaliya xarumaha Hay’addaha Qaramada Midobay.

Tallaabadasi ayaa waxaa sicaroleh uga jawaabay taliska ciidanka AMISOM, oo sheegay inaysan waxba ka ogayn talaabada Ugaanda uguso dirayso somaliya ciidamo gaar ah oo ilaaliya xarumaha Hay,adaha.

Afayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in go,aanka xukuumada Uganda uusan ahayn mid khuseeya AMISOM, waxaana uu intaasi raaciyay in arrintaasi aysan waxba ka ogayn.

Afayeenka ayaa intaasi ku daray inay adkaan doonto sida ay uwada shaqayn doonaan ciidankaasi, isagoona xusay in hadii ay dhabowdo arrintaasi noqon doonto mid aysan ku qancayn AMISOM.

Ciidamada ay dowlada Uganda usoo diri doonto Muqdisho ayaa noqonaya kuwo kamadax banaan hawlgalka AMISOM, waxaana loo yaqaanaa UN Guards Force oo hoos tagaya Qaramada Midoobey.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: