Calendar

Madaxweynaha Puntland oo dib ugusoo laabtay magaalada Garoowe

Garowe_ Madaxweynaha dowlada Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Garoowe, kadib safar uu muddoyinkii dame ugu maqnaa dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay xubno katirsan gollaha wasiirada, iyo boqolaal dadweyne oo kamid ah bulshada kunool caasimada Pl.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray garoonka waxa uu salaam sharaf kaqaatay Ciidamada Baambayda, waxaana intaasi kadib loo gudbiyay dhanka madaxtooyada Pl.

Madaxweynaha ayaa kawarbixin doona safarkiisa, waxaana lafilayaa in goordhow uu shir saxaafadeed ku qabto xarunta madaxtooyada, isagoona kawarbixin doona waxyaalihii ay kazoo wada hadleen madaxdii uu lakulmay.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: