Calendar

Machadkii ugu horeyay oo laga furey Muqdisho [SAWIRO]

Markii ugu horeysay, magalada Muqdisho ayaa laga dhawaaqay machad sameynaya daraasaadka faaqidaada siyaasada iyo xaaladda kale.

Machadka oo loogu magacdarey Heritage, waxa furey aqoonyahano Soomaali ah iyadoona ay ka howl gali doonaan khabiiro dhinaca siyaasadda, salka dhibta Soomaalida haysata.

Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada, dowlada iyo madaxda safiiradda jooga Soomaaliya ayaa ka dhacday hotel-ka Jaziira ee magalada Muqdisho.

Dadkii kasoo qeyb galey xaflada, aad ayay ugu mahadceliyeen xubnaha isku xil qaamey furitaanka machadkaan oo sheegeen inuu yahay mid wax wayn ka tari kara fahanka siyaasadda Soomaalida iyo dhibta haysata Soomaalida.

Cabdi Raxmaan Caynte, oo saxafi ka shaqeynayay warbaahinta gudaha iyo midda caalamiga, oo ku jirto TV-ga Caalamiga ee Al Jazeera ayaa hadane noqonaya gudoomiyaha machadka, waxana uu xusay in machadka uu wax ka badali doono qaab dhaqan siyasadeedka Soomaaliya, iydoo loo marayo cilmi-baarista iyo aragti is weedaarsiga.

“Dood is-weydaarsi la’aanta ka jirta jaan-goynta go’aammada siyaasiga ah iyo iyadoo uusan jirin cod Soomaaliyeed oo si wanaagsan u soo bandhigi kara aragti qaran ayaa qayb ka ah masiibada ku habsatay shacabkeenna.” Isagoo intaas ku daray in Machadku uu daloolkaas buuxin doona, isagoo sare u qaadi doona wacyiga shacabka ee ku beegan arrimaha ugu dhibka badan.”

Gudoomiye xigeen-ka Machad-ka, oo horeyna usoo noqday wasiir, Cabdi Rashiid Khaliif Xaashi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in machadka uu wada shaqeyn la sameyn doono xarumaha warbarashada, iyo bulshada rayidka ah si ay ugaaran qorshahooda.

“Waxaan garowsannay inay waajib nagu tahay inaan hoggaaminno isbeddel xagga bulshada ah oo ku qotoma dhaqan cilmi-baaris,” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi ku xigeenka madaxa Machadka, kana tirsanaan jiray hay’adda International Crisis Group.

SAWIRO

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: