Calendar

Madaafiic Qasaare geystay oo lagu weeraray Iskool Booliisiyo xili ay ku sugnaayeen Madaxda dowalada

Shabelle: MUQDISHO

ocaaxkwg3cai2vh6mcak2s0rmcak60v89caskk7saca8fk6xyca6fw4y1catw8hr3camkeut7caq3rq0ecazf2sirca0jdbddcamu9eyncafk1we7casxtvhfca5vzcgacaipo10wcahvjzlrcag2jxdk

Ugu yaraan 1-qof ayaa ku geeriyooday 4-kale ayaa ku dhaawacmay kadib madaafiic lagu garaacay dugsiga Tababarka Booliiska ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka socotay munaasibad ay ka soo qeyb gali lahaayeen madaxda dowalada.

 

Madaafiicdani maanta lagu garaacay dugisaga Tababarka Ciidanka Booliiska ee School Bolisiyo ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku dheceen guri ku yaala Dhabarka danbe ee Iskuulkaasi,waxaana ku dhintay hal qof iyadoo sidoo kale ay ku dhaawcmeen illaa 4-ruux oo dhamaantooda ahaa labo qoys oo deris ahaa.

 

Dhaawaca  4-ruux ayaa 3-ka mid ah waxaa ay yihiin caruur dadooda ay ka hooseeyso 10-ka sano jirka.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacada shabelle uga warbixiyay madaafiicda ku soo dhacay halkaasi qasaaraha ay geysteen,waxaana uu sheegay in ay ku soo dheceen xaafadooda labo madfac oo geystay geerida mid ka mid ah dadka deegaanka iyo dhawaca 4-ruux oo u badan caruur.

 

Xarunta dugsiga tababarka Booliiska ee School Bolisiyo ayaa waxaa lagu waday in ay ka dhacdo munaasibad Tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada kmg oo lagu waday in uu ka soo qeyb galo Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya,waxaana madfaaficdaasi kadib lagu kala dareeray goobtii iyadoo aysan wax munaasibad ah dhici.

 

Ma jiro wax masuul ah oo ka hadlay madafiicda lagu garaacay agagaarka Dugisga tababarka Booliiska ee magaalada Muqdisho.

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: