Calendar

madaxwaynaha dowlada soomaalia oo ka hadlay qunsulka kenya u magaacowday magaalada kismaayo

madaxwayne xasan sheekh maxamud ayaa ka hadlay qusul ay dhawaan dowlada kenya u soo magaacabatey magaalada kismaayo  xarunta maamulka KMG ee juba uu ka arimiyo

Madaxweyne Xasan oo  su’aal arrintan ku saabsan lagu weydiiyey munaasibaddii uu shalay  kaga hadlayey xaaladda Guud ee Waddanka, ayaa ku adkaystay inaanay Dawladdiisu waxba kala soconin  Magacaabista Qunsulkaas la sheegayo.

Waxa uu madaxweynuhu su’aashaas jawaabteeda kaga baxay inay Baadhayaan, isagoo carrabka ku dhuftay inay Haddii ay jirto ay tahay tallaabo qaran-jab ah.

hadii ay jirto waa Arrin Xad gudub ku ah Qarannimadda Soomaaliya,laakiin ka hor dhici meyno oo waan baadhaynaa,Qunsulka la sheegayo”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

30-kii Bishii April ayey  aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Jubba  uu Warqadii Aqoonsiga ka guddoomay Qunsulka Kenya ay u soo Dirsatay Magaalada Kismaayo.

Siyaasiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka soo hor jeestay Tilaabada ay Kenya  Qunsulka u gu soo Magacawday Magaalaka Kismaayo,ayagoo sheegay in Dalka ay ka jirto Dowlada Caalamku uu Aqoonsan yahay.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: