read more »">
Calendar

dowlada fedaraalka somalia oo doonayso inay dibu habayn ku sameyso shaqaalaheeda rayidka ah

dowlada fedaraalka ah ee somalia ayaa sheegtey in ay wado qorsho ay doonays in ay ku hormariso shaqaalaha dowlada dowlada oo sheegtey inay la kaashanayso wadamada hormarey ee daneeya arimaha somalia iyo hay’adaha caalamiga ah

dinaca kale Madaxweynaha dowladda  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay xilli uu ka hadlayay maalinta shaqaalaha adduunka in tan iyo markii uu qabtay hoggaanka dalka uu shaqaaleysiiyay 3,500 oo qof oo shaqaale rayid ah oo ka howlgala hay’adaha dowladda.

madaxwayne xasan ayaa waxaa kaloo uu tilmaamay in dowladdiisa oo kaashaneysa dowladda Norway ay sameysay sanduuq gaar ah oo qaabilsan mushaarka shaqaalaha rayidka ah ee laamaha dowladda.

sido kale madaxwaynaha ayaa yiri waxaan dhiirigalin u samaynay soo noqoshada qurba joogta somaliyeed oo aan filayno inay gacan ka gaysanayso shaqa abuurista dhalinyarada somaliyeed ee wadanka jooga

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: