Calendar

madaxwaynaha maamulka galmudug oo maanta magacaabey gudi baara abaaraha ka dilaacay gobolkaasi

Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)  oo ah Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta magacaabay guddi qiimeyn ku sameeya abaaraha laga soo sheegayo deegaanno hoos taga maamulka.

Guddigani uu magacaabey madaxwaynaha galmudug  ayaa  gaaraya 17 xubnood oo isugu jira xildhibaanbo, wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka socdo ururrada bulshada rayidka.

sido kale Afhayeenka madaxtooyada Galmudug Feysal Cabdi Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Gaalkacyo ayaa sheegay in guddigu uu u kuurgalayo heerka ay gaarsiisan tahay abaarta iyo biyo la’aanta halkaas ka jirto.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in guddigu ay  tagi doonaan dhammaan deegaannada laga soo sheegayo biyo la’aanta, si warbixin dhammaystiran ay uga soo gudbiyaan xaaladda halkaas ka jirta

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: