Calendar

xoghayihii hore ee gobaka banaadir oo maanta muqdisho lagu dilay

Cabdikaafi Hilowle Cismaan oo ahaa Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, ayaa maanta ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay walaalkiis, Xasan Hilowle.

Qaraxan oo ahaa mid lala eegtay gaariga Cabdikaafi ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska KM4, waxaana sidoo kale ku dhintay saddex askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa iyo hal qof oo rayid ahaa.

dhinaca kale Kooxda Al-Shabaab ayaa isla maanta sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

ciidamada Boolis iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.

galinkii hore ayay ahayd markii ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ay fashiliyeen qarax  miino oo gaarigiisa loogu xiray xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: