Calendar

Madaxwayne Xasan Shiikh oo wasiirkii hore ee amniga u magacaabay lataliyahiisa siyaasada

Bartamaha Muqdisho – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaali Xasan Shiik Maxamuud ayaa maanta shaaca ka qaaday in Wasiirkii hore ee amniga Cabdikarim Xusseen Guleed u yahay la taliyihiisa Khaaska ah ee dhinaca Siyaasada.

Dicreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xassan ayaa Cabdikarim Xusseen Guleed u magacowday lataliyaha Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinaca Siyaasada. Wereegtada kasoo baxday Villa Soomaaliya ayaa lagu qeexay in shaqada Cabdikarim Guuleed ay bilaabatay 29-kii bishii na dhaaftay ee June.

ckriin guuleed

 

Cabdikarim Xusseen Guleed oo horay u ahaa wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka iska casilay ka dib markii wasaarada amniga ay u muuqatay howlgab maadaama weeraradii Al Shabab ay sii xoogan ugu bateen Caasimada Soomaaliya ee Mogadishu.

Al Shabab ayaa weerar ku qaaday xarumo badan oo xasaasi ah sida Madaxtooyada Soomaaliya iyo Dhismaha Baarlamaanka dalka Mudadii uu Cabdikarim xilka haayay. Sida la aamin sanyahay Cabdikarim ayaa ah saaxiib hoose ee Madaxwaynaha Dalka Xasan Shiik sidoo kalena lagu tiriyaa inay kasoo wada jeedaan xisbi diineed ka Damul Jadid.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: