Calendar

Madaxweynaha Puntland oo xafiiskisa ku qaabilay safiirka Talyaaniga ee Soomaliya (war Saxafadeed)

IMG_1412

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyay Safiirka Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Marcelli.

Madaxwayne Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la Hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Dowladaha Puntland iyo Talyaaniga uu ka dhaxeeyo Xiriir Wanaagsan.

‘’Dowladda Talyaaniga waad la socotaan Puntland waxa ay kawadaa Mashaaricda ugu badana uguna wanagsan,oo uu ugu horeeyo lacagta ku baxaysa Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso,Tv-ga Dowladda Puntland oo hada shaqaynaya iyo Taageerada dhanka Booliska Puntland’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Taageerada dhanka Caafimaadka ah sida Cisbitaaladda Garoowe iyo Eyl iyo Mashaariic kale oo badan ayaa dowladda Talyaanigu ugu deeqay Dowladda Puntland,sidookale waxaan ka rajaynaynaa Mashaariic kale oo farabadan in Puntland ay ka fuliyaan’’Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Gaas.

Ambassador Marcelli oo isna dhankiisa lahadlay Warbaahinta ayaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland uga mahadceliyay Sida wanagsan ee uu u soo dhaweeyay,waxana uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay sii wadayso Taageerada ay siiso Puntland.

Ambassador Marcelli ayaa Puntland u yimid sidii Dowladda Talyaaniga Puntland ugu wareejin lahayd Tv-ga Qaranka Puntland .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

IMG_1381 IMG_1386 IMG_1392 IMG_1399 IMG_1402 IMG_1412

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: