Calendar

Mucaaradka Kenya oo dalbaday in Ciidamada Kenya laga soo saaro Somaliya

kenyaHorjoogayasha Xisbiga mucaaradka dalka Kenya ayaa xukuumada ugu baaqay in ciidamada dalkaasi lagasoo saaro  Soomaaliya, kadib weeraro dad badani ay ku dhinteen oo ay Al-shabaab ka gaysatay Kenya.

Hogaamiyaha Isbahaysiga mucaaradka oo ka hor hadlayey kumanaan Kenayan ah ayaa sheegay inaan la aqbali karin in shacabka Kenya dhiigoda la daadiyo, maadama  sida uu sheegay amni daro soo food saaratay dalkaasi.

Mucaaradka ayaa sheegay in hadii ciidamada Kenya lagasoo saaro Somaliya ay yarayn karto dhibaatada ay Al-shabaab ka gaysanayso gudaha Kenya.

Madaxda Kenya ayaa horay udiiday dalab uga yimid mucaaradka oo ku adan in ciidamada Kenya lagasoo saaro Somaliya.

Kenya ayaa cidamadeedu gudaha ugaleen Soomaliya sanadkii 2011-kii, waxaana wixii intaa kadameeyey ay Al-shabaab bilaabeen inay weeraro kagaystaan dalkaasi, waxaana ugu dameeyey weerarkii Al-shabaab ay kagaysatay gobalka Xeebta Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa dhankiisa beeniyey sheegashada Al-shabaab ee ah inay kadamayso weerarada ka dhacay dalka, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in falalka amni daro ay kadameeyaan Shabakado siyaasiyin ah oo ka dhisan dalkaasi.

Mucaaradka Kenya ayaa dhankooda shaaciyey inay bur bureen wada hadaladii udhexeeyey mucaradka iyo dowlada kadib markii ay qabsoomi waayeen xiligii loo balan sanaa oo ku beegneed maalintii shalay.

Xukuumada Kenya ayaa weli ka jawaabin hadalka kasoo yeeray mucaaradka, waxaana horray ay dowladu ugasoo hor jeesatay baaq horay ugasoo baxay mucaaradka, lamana oga sida ay xaaladu ku damayn doonto.

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: