Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya munaasabad ka dhaceysa Muqdisho.

Waxaa saaka dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kaasi oo ay wadaan ciidamada Dowlada Soomaaliya kadib markii saaka lagu soo daadiyey meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamo isugu jira Booliiska,nabad Sugida iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu arkayaa saaka wadooyinka Magaalada muqdisho gaar ahaana Wadada Shaqaalaha ilaa iyo dhanka madaxtooyada Soomaaliya si loo adkeeyo amaanka Madaxweynaha Soomaalya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ujeedada saaka ciidamada loo soo dhoobey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay tahay munaasabad balaaran oo lagu wado maanta iney ka dhacdo Magaalada Muqdisho munaasabadaasi oo la sheegay inuu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobalka banaadir ee Dowlada Soomaaliya.
Munaasabadan ka dhaceysa mida ka mid ah Hotelada ugu waa weyn Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu taageerayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha wadanka Maraykanaka Barak Obama oo dhowaan dowladisa ay aqoonsatey Dowlada Soomaaliya.
Munaasabadan ka dhacey Magaalada Muqdisho laguna taageerayo Aqoonsiga Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qeyb galaya sida laga helayo wararka madaxtooyada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ray’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon,Wasiiro,Xildhibaano iyo Madax kale oo badan.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa la dhoobey hotelka Munaasabada ay ka dhaceyso saacadaha soo socda,iyadoona sidii kale Ciidamada ay baarayaan gadiidka dadweynaha si looga dig toonaado Falal ay geystaan Maleeshiyada Kooxda Shabaab.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: