read more »">
Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka Midowga Afrika

hassan sheikhAddis Ababa, 12 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay soo gaaray Addis Ababa si uu uga qebgalo shir aan caadi aheyn ee madaxweynayaasha midowga Afirka oo maanta oo Sabti ah uu ka furmayo magaalada Addia Ababa.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wahliya Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf H. Adam iyo Wasiirka Gaashandhiga Abdihakim Faqi iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo arrimaha Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ee ICC iyadoo lagu wado in waddamada Afrika ay mowqif adag ka qaataan maxkamada danbiyada caalamiga ah. Waxaana la filayaa in laga doodo oo ka dibna go’aan wadajir ah laga qaato arrinkan. Marwo Fowzia oo ka qeybgashay shirkii Wasiiradda xalay ayaa diiradda lagu saaray sidii ICC aysan u noqon laheyn maxkamad Afrika oo kaliya wax ka qabata. Oo Wasiiradu ay tilmaameen in caddaaladu ay noqoto mid loo wada siman yahay oo dhammaan dadka eedaha loo wada heysto ay intooda badan yihiin Afrikan oo weliba Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisaba ay dacwadoodu socoto.
Madaxweynaha ayaa maanta la kulmaya madaxda afrika oo uu kulammo gooni gooni ah la qaadan doonaa, waxaana uu kulanka ugu horreeya la leeyahay Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Gelle.
- Dhamaad -

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: