Calendar

Madaxweyne Cabdiweli oo todobaadkan lagu wado inuu gaaro Boosaso

Garowe _ Sida aanu wararka ku helayno waxaa todobaadkaan Safar ku tegi doona magaalada Bosaaso, Madaxweynaha dowlada Puntland Pro. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Safarka Madaxweynaha ee uu ku tegayo Boosaaso ayaa noqonaya markii ugu horaysay tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada Puntland, waxaana lagu wadaa inuu kullamo laqaato qaybaha bulshada Bosaaso.

Magaalada Bosaaso ayaa kamid ah magaloyinka ugu baaxada weyn Puntland, waxaana magaalada ku taala Dekeda keliya ee Puntland leedahay, madaxweynaha ayaa kahor intanan ladooran waxa uu uu ololihisa doorashada ka sameeyay magalada.

Magaalada ayaa laga dareemayaa Qaban qaabada soo dhoweyn ballaaran, horay ayuu madaxweyne C/weli u balan qaday in dowladisu ay gaari doonto guud ahaan deeganada Pl.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: