read more »">
Calendar

Shir looga tashanayo guddiga xuquuqul Aadanaha Soomaliya oo ka furmay Garoowe (sawirro)

Garoowe _ Magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta ka furmay kullan ku aadan sidii wada tashi looga samayn lahaa hindise-Sharciyeedka yagleelida guddiga xuquuqul aadanaha Somaliya.

Shirka ayaa waxaa kaqaybgalay Wasiiro kasocda Puntland, xubno katirsan dallada PUNSA, Waxgarad iyo Aqoonyahano.

Kullankaan ayaa waxaa soo agaasimtay Haya’adda Internews in Somalia, waxaana lagu lafa guri doonaa sidii guddiga xuquul aadanaha Somaliya looga arinsana laha hawlihisa shaqo iyo wajiibka laga doonayo.

Wasiirka Cadaalada, diinta iyo arrimha dhaqan celinta Puntland Ismaaciil Maxamed Nuur, ayaa shirka kusoo bandhigay Dastuurka Puntland waxa uu kaqabo xuquuqda adanaha iyo sida loogu tixgeliyo shacabka.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in marka hore loo baahan yahay sidii looga heshiin lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamulka Puntland, waxaana uu cadeeyay inuusan jiri karin xiriir wanagsan inta khilaafka laga xalinayo.

Kullanka ayaa muddada uu socdo waxaa fikradoohoda kusoo gudbinaya kaqaybgalaysha shirka, waxaana uu qayb kayahay kullamo lagu doonayo in wada tashiyo looga sameeyo guddiga lagaga dhawaqay muqdisho ee xuquuqul adanaha Somaliya.

Dalka Soomaliya ayaa lagu tiriyaa wadamada ugu badan ee ay ka dhacaan falalka lidiga ku ah xuquuqul insaanka, waxana dowlada Somaliya looso jeediyay inay wax kaqabato falalka lidiga ku ah xuquuqda qofka.

259-450x342 342-450x342 (1) 342-450x342 435-450x342 535-450x342 824-450x342 1105-450x342 (1) 1105-450x342

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: