read more »">
Calendar

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta daah furay maalmaha Talaalka Caruurta (sawirro)

Garowe_ Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland ayaa maanta kaqaybgalay munaasabad lagu daah furayay maalmaha talaalka caruurta oo sitoosa uga bilowday gobalada Puntland.

Munaasabada oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyinta wasaarada caafimadka Puntland, Saraakil kasocday Hay’addaha Puntland ka tageera arrimaha caafimadka, dhakhaatiir iyo dadweyne kale.

Maalmaha Talaalka caruurta ayaa socon doona muddo ku siman hal todobaad, waxaana dhallaanka laga talaalaya cudurada Jadeecada iyo dabaysha, iyadoona lagaarsiin doono gobalada Puntland.

Caruurta da,adoodu ka hoosayso shanta sano ayaa xaafadaha loogu gaynayaa daawooyin looga hortegayo cuduro dhibaato ukeeni kara caruurta.

Dr, Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ah agaasimaha guud ee wasaarada Caafimadka Puntland ayaa sheegay in sanadkaan dhallaanka laga talaali doono cudurada Jadeecada iyo dabaysha.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in ololaha maalmaha caafimadka ay tahay mid socday shantii sano ee lasoo dhaafay, lana gaarsiin doono dhamaan gobalada .

Wasiirka caafimadka Puntland Dr, Saadiq Enow ayaa dhankiisa ku baraarujiyay waalidiinta inay ilmahooda siiyaan talaalka, waxaana uu ugu baaqay shaqaalaha fulinaya hawshani inay layimaadan Taxadar.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) ayaa bulshada ugu baaqay inay dhalaanka talaalan si ay uga badabadan  cudurada halista ah.

Maanta ayaa si isku mid ah waxaa uga bilowday gobalada Puntland maalmaha talaalka dhalaanka,  iyadoona ay fulinayaan shaqaale loo qaybiyay gobalada.

IMG_0843 IMG_0848 IMG_0858 IMG_0861 IMG_0864 IMG_0877 IMG_0888 IMG_0896

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: