Calendar

Ciidamada Badda Libiya oo badbaadiyay Soomaali Tahriibayaal ah

Tripoli - Sarkaal katirsan Ciidamada Badda dowlada Liibiya oo layiraahdo Col. Ayoub Qaasim ayaa sheegay in ay badbaadiyeen ku dhowaad 107- qof oo soomali tahriibayaal ah.

Sarkaalka ayaa sheegay in dadka ay badbaadiyeen ay isugu jiraan Rag, Dumar iyo caruur, waxaana uu xusay in maalintii khamiistii ay meel duleedka ka ah caasimada dalkaasi ee Tripoli, kasoo badbaadiyen dadkani oo saarna dooni yar oo udhoweed inay badda ku degto.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa sheegay in ku dhowaad 7- qof ay badda ku tuureen kadib markii ay doonidu ku dhowaatay inay quusto, culayka saaran awgeed.

Dadka Soomalida ah ayaa safka hore kaga jira muhaajirinta naftooda ku biimeeya baddaha Liibiya, kuwaasi oo kategay wadamada Africa una safraya dalalka Yurub.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: