Calendar

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo soo dhaweeyey safiirka cusub ee Dowladda Iran.

iran[1]Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey in Dowladda Iran ay ka mid noqoto Dowladaha Safaarada ku leh wadankeenna Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed warqadaha aqoonsiga ka guudoomin safiirka Iran ayaa waxa uu la qaatan kulan gaar ah oo ay uga wada hadlayeen sidii loo xoojin lahaa xiriirla labada dal.

Marka uu kulanka soo idlaaday kaddib waxaa Madaxweyne Shariif warqadihiisa safiirnimo si rasmi ah uga guddoomay Makel Hussein Givzad oo ah safiirka cusub ee Dowladda Iran u soo magacaabatay Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxa warqada looga doomayey Makel Hussein Givzad oo ah safiirka cusub ee Dowladda Iran u soo magacaabatay Soomaaliya waxaa hadal ka jeediyey oo saxaafadda kula hadlay wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya waxaana uu safiirka cusub ee Dowladda Iran uu la socdo Safiirka Dowladda Iran u fadhiya Dalka Kenya si uu masuul uga noqdo.

Dhinaca kale Makel Hussein Givzad oo haddal kooban ka jeediyey madashaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan ee uu madaxweyne Shariif ugu soo dhaweeyey Dalka islamarkaana uu kaga guddoomay warqadihiisa safiirnimo, isagoo intaa raaciyey in wada shaqeyn weyn ay ka dhaxayso Dowladaha Soomaaliya iyo iran haatanna uu rajeynayo inay sii xoojiso.

ugu danbeyntii Waxaa maalmihii dambe isi soo tarayey in magaalada muqdisho ay dowlado dhor ah ay safaarad ay ka furteyn hasa yeshee Dowladaha Safaaradaha ka furanaya Soomaaliya ee Safiirada Cusub u soo dirsanaya magaalada Caasimadda ayaa sii kordhaya wana arin ku timid nabadda iyo horumarka dalka ku talabsanaayo.

234

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: