Calendar

Madaxweyne Cabdiweli oo manta magacaabay wasiirka Warfaafinta Puntland

Garoowe _ Waxaa Saaka Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas lagu magacaabay wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa umagacabay Cabdiweli Xirsi Cabdulle (indho guran) inuu noqdo wasiirka wasaaradaasi, kadib  in muddo ah oo la sugayay madaama horay uu madaxweynuhu usoo wada magacabay gollihisa wasiirada.

Wasiirka Cusub ayaa horay uga mid ahaa gollihii wasiirada ee xukuumadii madaxweyne faroole, waxaana uu ahaa wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinayarada iyo ciyaaraha.

Wasiirka cusub ayaa loo dhaarin doonaa xilka wasaarada, si uu ula wareego masuuliyada wasaaradasi.

www.Bartamaha.com.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: