Calendar

Man United Oo Dooneysa Xidiga FC Porto James Rodriguez

Home » Man United Oo Dooneysa Xidiga FC Porto James Rodriguez

Naadiga Man United ayaa si weyn u daneynaya in ay kooxda ku soo biiriyaan laacibka garabka bidix kubada uga qaabeysa naadiga FC Porto ee u dhashay dalka Prazil James Rodriguez kaasi oo qarka u saran in kooxdiisa uu ka huleelo xagaagan .

 
Baadi goobkaan ayaa soo baxaya xilli Evra uu u gacan haatinayo in uu ka huleelo kooxda shayadiinta cas cas iyadoo uu isha ku hayo kooxda haniilaayasha reer carbeed ee PSG ee dalka faransiiska .

 
Balse war ka soo baxay Evra ayaa sheegaya in kooxda uu ka huleelayo marka uu shaqada tababarnimada uu ka fariiso macalin Sir Alex .,Evra ayaan illaa haatan laga hadal arin ku aadan in hishiiska uu u cubooneysiiyo kooxda , iyadoo uu u yimid sanadkii 2005-tii.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ].
« »

Comment: