Calendar

Maydad horleh oo laga soo saaray dhismihii Westgate

Maydadka sagaal qof oo cusub oo ka mid ah dadkii maqnaa ayaa laga soo saaray burburka suuqa ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo toddobaadkii hore ay weerareen kooxo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah maydadkan ayaa ku gubtay gudaha dhismahaas oo uu dab ka kacay maalintii ugu dambeysay afartii maalmood oo dhismahaa ay ku hayeen gacanta xoogagga Al-shabaab.

Dadkan ayaa la sheegay inay ku duntay qayb ka mid ah saqafka sare ee suuqaas kaddib markii qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen gudaha suuqaas intii uu socday iskahorimaadka u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo kooxihii weerarka geystay, waxaana weli maqan sida la sheegay tiro dad ah oo aan la hayn nolol iyo geeri.

 

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Taladaadii amar ku bixiyay in la saaro guddi xeer-beegti ah oo soo baara weerarkii suuqa Westgate Mall iyo haddii ay jiraan dal-daloolooyin dhinaca ammaanka ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: