Calendar

Nabadoon Lagu Toogtay Maagalada Gaalkacyo Oo Xaaladiisa Koomo gashay

bartamahaGaalkacyo/Bartamaha:Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay nabadoon lagu magacaabo Nuur Xirsi Xuseen waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in Nabadioonka Madaxa lagaga dhacay Rasaas xoogan kadibna Nabadoonka uu haatan galay Xaalad aad u adag  waxaana loola cararay Isbitaalka Weyn Ee Gaalkacyo oo haatan lagu dabiibayo.

Nabadoonka ayaa Xalay Lagu Toogtay Magaalada Gaalkacyo xilli uu kasoo baxayay Masaajidka islamarkaan uu kusoo wajahnaa Guragiisa, wararka ka soo baxaya Dhaqaatiirta ayaa waxa ay sheegeen nabadoonka inuu ku jiro koomo, xaaladiisa waa mid u dhaxeysa nolol iyo geero.

Waxaa Kusoo badanaya Deegaanada Puntland Dilalka loo gaysanayo Waxgardka iyadoo Maalintii Shalay Lagu Aasay Magaalada Boosaaso Nabadoonka tirsanaa Gobolada  Bari, xilli todobaad kaasi ka horeeyana Dil Toogasho ah Lagu dilay Magaalada Gaalakcyo Nabdoon Xuseen Cali oo ka mid ahaa nabadoonada gobalka Mudug;

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Dilalka lagula kacayo Waxgardaka ku sugan Deegaanada Puntland isagoo qiray inay wax ka qaban doonaan islamarkaana cidii ay falkni foosha xun kusoo qabtaan Ee Toogaan doonaan.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: