Calendar

Odayaasha dhaqanka Hawiye garabka Mucaaradka oo Cambaareeyay duqeynta Muqdisho.

Muqdisho dagaalBartamaha(Muqdisho):-Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa cambaareeyay duqeynta inta badan ka dhacda Magaalada Muqdisho taasi oo ay isdhaafsadaan Islaamiyiinta iyo Amisom.

Sheekh Axmed Cali Geys oo ka mida Odayaasha Hawiye garabka Mucaaradka la safan ayaa sheegay in duqeyn ta loo geysto Deegaano ka mida Muqdisho ay yihiin kuwa si gaar ah ugu socda shacabka.

Oday dhaqameedkaasi la safan Islaamiyiinta ayaa sheegay in Dowlada ay tahay mid aan shacabka matalin maadaama ay duqeynayan Amisom oo meel fog ka timid sida uu warka u dhigay.

 Inta badan waxa si gaar ah loo duqeeyaa Degmooyinka Kaaran,Hodon,Howlwadaag,Yaaqshiid iyo C.Casiis oo ah gobo ay joogaan Islaamiyiinta mararka qarna madaafiic laga soo tuuro.

Duqeynta muqdisho ka dhacda waxaa qasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah oo madaafiicda laga dul rido jawaabtana ay ku la’daan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: