Calendar

Puntland oo soo dhoweysay aqoonsiga maamulka saddexda gobal

Dowlada Puntland waxa ay soo dhaweynaysaa aqoonsiga la aqoonsaday Maamulka Koonfur Galbeed ee ka kooban Saddexda Gobol ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dowlada Puntland waxa ay cadaynaysaa Dhismaha Maamulka ka kooban Saddexda Gobol in uu dhiirigalin u yahay Sii socoshada Hanaanka Nidaamka Fadaralka ah ee ka socda Gudaha Dalka Soomaaliya .

Dawlada Puntland waxay mar walba soo dhawaynaysaa Nidaamka federalka ah ee ku imaanaya rabitaanka shacabka soomaaliyeed in uu ka hirgalo gebi’ahaanba Soomaaliya, si loo helo xasilooni iyo nabad gelyo waarta .

Dawlada Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa dhismaha iyo hor u socodka maamul goboleedka koonfur galbeed ee Soomaaliya,waxaanu sidookale diyaar u nahay inaanu gacan ka siino Wixii Farsmo iyo Waayo aragnimo ah oo aanu Dheernahay

Dawlada Puntland oo ah Hooyada Maamul Goboleedyada Soomaliya iyo Hanaanka Fadaralka waxay ku baaqaysaa in sida ugu Dhaqso badan loo Hirgaliyo dhamaan Maamul Goboleedyada Dhiman.

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Puntlandi.com- Garowe

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: