Calendar

Madaxweynaha Somaliya oo kahadlay dagaal beeledyada ka dhacaya gudaha dalka

Muqdisho_ Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahadlay dagaal beeleedyada ka dhacay deegano kamid ah koonfurta Somaliya, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in talaaboyinkasi ay ka faa,idaysan karaan xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ka digey in lataageero dagaal beeledyada, isagoona ka codsaday bulshada inaan la hurin dagaalada soo noq noqonaya ee udheexeya beelaha.

” Waxaan rabaa inana dadka usheego colaada wada, dagaalka aad gelaysaan wuxuu nooc ka yahay taagerada Al-shabaab, dagaalkasta oo udhexeeya beelaha soomaliyeed wuxuu taagero unoqonayaa shabaab iyo cidkasta oo nabad diid ah” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa usoo jeediyey beelaha dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka, isagoona intaasi raaciyey in dadka Soomaliyeed ay soo arkeen dhibaatada ay leedahay dagaalka sokeeye.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo adaya xili muddoyinkii dame ay dagaal beeledyo ka dhacayeen deegano kamid ah koonfurta iyo bartamaha Somaliya, gaar ahaana Galgaduud iyo Sh/hoose.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: