Calendar

Qaar kamid ah hogaamiyayaasha Khaatumo oo shaaciyay inay Puntland ka caawinayso dib u qabsashada gobolka Sool

Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) oo kamid ah hogaamiyayaasha maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaaciyay in joogitaanka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee magaalada Taleex inuu salka ku hayo sidii dib loogu qabsan lahaa gobolka Sool oo haatan uu ka taliyo maamulka Somaliland.

Karaash ayaaa sheegay in c/samada Cali Shire uu u joogo deegaanadaas sidii uu uga shaqayn lahaa maslaxada dadka reer Khaatumo, isagoo eedayn kululna dusha uga tuuray qaar kamid ah hogaamiyayaasha Khaatumo oo kasoo horjeestay booqashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ku jooga magaalada Taleex oo ah meeshii looga dhawaaqay maamulka Khaatumo.

Waxaana uu Karaash eedeeyay Cali Khaliif Galaydh oo ah dadka sida wayn uga soo horjeeda in C/samad Cali Shire uu booqdo deegaannada Khaatumo.

Waana markii ugu horreysay ee masuul ka tirsan maamulka Khaatumo uu qirto in Puntland ay iska kaashanayaan sidoo loo xorayn lahaa magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool, taasoo gacanta ugu jirta maamulka Soomaaliland.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: