Calendar

Madaxweyne Barrack Obama oo dib u dhigay weerarkii uu ku qaadi lahaa dalka Syria

obama-immigration-1Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay codeynta Aqalka Congress-ka ee tallaabo milateri looga qaadi lahaa dalka Suuriya, kadib markii lagu eedeeyay inay adeegsatay hubka kiimikada.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay diblomaasiyada fursad la siinayo, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in Qaramada Midoobey kala shaqeeyaan qaraar dalbanaya in Suuriya Hubka Kiimikada ku soo wareejiso.

Obama ayaa sheegay in hadii lagu guuleysan waayo in Suuriyo soo dhiibto keydkiisa hubka kiimikada ay diyaar u yihiin in weerar cirka oo kooban ka qaadi doonaan, si looga hortago adeegsiga hubka kiimikada.

Ruushka ayaa horay u soo bandhigtay qaraar Suuriya lagu weydiisanayo inay dhiibto hubka kiimikada, iyadoo hindisahaas ay taageertay dowladda Mareykanka.

Dowladda Suuriya ayaa horay u beenisay wararka sheegaya inay bishii la soo dhaafay adeegsatay hubka kiimikada, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal ruux.

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa u bir tumanayay weerar ka dhan ah Suuriya, iyadoo tani ay kala qeybisay dalal badan oo awood ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: