Calendar

Qilaafka udhaxeeya Alshabaab iyo Xisbul Islaam Oo Cirka isku sii Shareeray

shababBartamaha — Waxaa isasoo taraya Qilaafka jilbaha ulaabaya Eeu dhaxeeya Kooxaha Alshabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo Saraakisha Alshabaab Ee ku eedeeeen Ururka Xisbul Islaam inay kazoo bixi waayeen Howlishi laga filaye Gobolada Ee Dalkakamaamulaan.

Saraakiisha Alshabaab ayaa Todobaadyadi ugu danbeeye ka shiraye Qaabkii LooTiritirlahaa Magaca Ururuka Xisbul Islaam taasoo sida la shaaciye Ee Alshabaab qorshaha gashatay inay Labada Ciidan kadhigto Ha lUrur ooku shaqayn doono  Magaca “ Alshabaab”.

Qilaafkaani soo kala dhex galay Labadaaani Urur ayaa ksuoo beegmaya kadib marki UrurukaXisbulIslaam  Ee iskaga baxeen GobolkaHiraan Ee Caasimada  Beladweyne  oo katirsan Goblka Shabeelada Hoose.

Wararaka kasoo baxaya Madaxda ugu sarayso Kooxda Ashabaab ayaa tibaaxaya in cirka isku si shareerayo Qilaafka ba’an Ee u dhaxeeye Labadaani Koox Ee Alshabab iyo Xisbu lslaam iyadoo loga gol leeyahay in lagu wiiqo awooda Xidbuslislaam.

Deegaanada Yaaqshiid iyo Wadada udhaxaysa Afgooye  iyo Mugadisho lagu wadaa in goor dhaw ay lawareegaan Maamulka Madax adag EeAlshabaab, waxaana xusid muda in haatan Alshabaab ay maamulaan Deegaanka Afgooye, laakin hadafka ugu wayn uu yahay in ay Lawareegaan Saldhigga Ceelasha biyaha o haatan gacanta ugu jiroXisbulIslaam

Dhaliishaan ayaa kusoo beegmayso Xilli Koxda Alshabaab Ee shaacisay inay la wareegi doonaan dhaman goobaha ay gacanta ugu jirto Koxda ay istaageeraan Ee XisbulIslaam.

Sikastaba ha ahaatee Qilaafkaani ayaa cabsi wayb galiye Shacabka ku dhaqan goobaha ay kataliyaan Koxda Xisbulsilaam iyagoo had iyo jeer filanaya inu dagaal culsu kabilaawdo fariisamooyinka haatan la isku haysto.

___

RBC

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: