Calendar

Ra’isal Wasaare Saacid iyo Xubno Ka mid ah Golihiisa oo booqday Isbitaalka Madiina

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Xubno ka mid ah Golihiisa Xukuumadda ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Booqashada Ra’isal Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka arrimaha Gudaha Iyo amniga qaranka,Wasiirka Gaashaandhigga,Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta,Taliyaha Nabad Sugidda iyo Saraakiil Kale.

Ra’isal Wasaaraha ayaa Gacan qaaday inta badan Bukaanada Ku  jira Isbitaalka Madiina ee  Magaalada Muqdisho isagoo dhinaca kale Warbixin ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka taas oo uga warbixiyay Xaaladda bukaanada isbitaalka iyo howlaha shaqo ee Isbitaalka Intaba.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan Kormeer ku taga Goobaha Danta Guud  isagoo u Muujiya shacabka  in dowladdu ay ka warqabto Shacabkeeda

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: