Calendar

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub [SAWIRO]

Ururka Midowga Yurub ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqayaan dhaqaalo ay Ku dar dar Geliso Adeegyada Guud ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqashadiisii Ugu horeysay ku tagay dalka Mareekanka ayaa kala Soo laabtay in aqoonsi rasmi ah dowladdiisa ay ka Hesho Mareekanka.

Madaxweynaha ayaa dhinaca Kale haatan Booqashada uu ku tagay Brussels waxa ay isla Gareen Ururka Midowga Yurub Heshiis Iskaashi oo Midowga Yurub iyo Soomaaliya Dhexmara.

Kathrin Ashton Haweeneyda Siyaasadda dibadda u qaabilsan Shirka Midowga yurub oo ka hadashay Shirka ayaa sheegtay in Soomaaliya loo qabanayo Shirweyne Caalami ah oo looga hadli doona Siyaasadda amniga iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Ashton ayaa intaasi ku dartay in 95% ay isdhimeen Qafaalashada Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida Sidoo Kale ay is dhintay Awoodda Islaamiyiinta 2dii Sano ee aan ka soo Gudubnay.

“Shantii sano ee aan ka soo Gudubnay Soomaaliya waxaan ku qarash Gareynay in amniga Siyaasadda iyo Kobaca dhaqaale wax Looga qabto qiimo lacageed oo dhan 600 Euro” Sidaasi waxaa Lagu Yiri war qoraala oo ka soo Baxay Shirka Ururka Midowga Yurub.

Madaxda Midowga Yurub ayaa isla qiray in Soomaaliya ay doorteen Hogaamiyo Jaamici ah oo ilbaxa kadib 8 sano oo KMG dalku uu Ku jiray islamarkaana la soo Maray in kabadan 20 sano oo fowdo iyo Dagaal bulshadu ay ladaallaa dheceysay.

Midowga Yurub waxa ay sheegtay in ay sii laba Jibbaarayaan ladagaalanka Burcad badeeda iyagoo tilmaamay in sanadda 2014 ka marka lagaaro ay Rajeenayaan in Bucad badeeda laga taqalusi karo gabi ahaan.

Midowga Yurub ayaa sheegay in Saacidaad Sharci ah ay siin doonaan Xukuumadda Soomaaliya si ay uga soo kabsato dhibaatada adag ee dalka ka Jirta.

[slidepress gallery='eu-pledges-%e2%80%9cnew-deal%e2%80%9d-for-somalia-in-leader%e2%80%99s-first-visit']

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: