Calendar

Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Ceseleey Sh/dhexe

Shilkaan Gaar oo ka dhacay agagaarka Garoonka Ceseleey ee Gobolka Sh/dhexe ayaa  waxaa uu Geestay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay in kabadan 10 qofna waa ay Ku dhaawacmeen iyadoo loola Cararay dadka Dhaawacmay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga oo ahaa Mid Rakaaba Gaar ahaan Nuuca Loo yaqaanno BGga ayaa waxaa uu ka soo amba baxay Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe isagoo ku soo Jeeday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dadka uu shilkaani Gaari dhaawaca uu ka soo Gaaray ayaa qaarkood La tilmaamayaa in xaaladooda ay tahay mid Halis ah kuwaasi oo dhaqaatiirtu ay kula tacaaleyso Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: