read more »">
Calendar

Shir looga hadlaayo Mustaqbalka Libya oo maanta ka furmay magaaladda Paris ee dalka France

1Paris( www.Bartamaha.com):-Ku dhawaad 60-wadan iyo Ururu caalami ah ayaa ka qayb galaya shir looga hadlaayo arrimaha Libya oo maanta ka furay xarunta Franciiska ee Paris.

Hogaamiyaha ka qayb galaya shirkan waxa ku jirra Ra’iisal wasaaraha Britn David Cameron, Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka iyo Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon.

Shirka ayaa loo bixiyay Saaxibtinimadda Libya waxana martiga linaya madaxweynaha Fransiiska Nicolas Sarkozy.

Waxa kujirra wadamadda kale ee ka qayb galaya Ruush-ka oo khamiista maanta ku dhawaaqday in ay aqoonsatay mucaaradka Libya Golaha ay lee yihiin NTC.

Xubno ka socda Mucaaradka oo shirka fadhiya ayaa filaya in looga dhawaaqo shirka in la siiyo 3.1 Billoin oo dollar. lacagtan oo horrey looga hakiyay dowladda Korneel Qadaafi

Dhinaca kale Saif al-Islam Gaddafi oo ka mid ah wiilasha uu dhalay hogamiyaha baxsadka ku jirra Libya ee Korneel Qadaafi ayaa isagoo ku sugan meel ka baxsan magaaladda Tripoli waxa uu sheegay warbaahinta Ra’y ciidamada aabihii difaacaya in ay dib u xoojin isku sameeyaan si looga adkaado mucaaradka.

Mucaaradka Libya ayaa isku dayaya in ay rujiyaan awooda kaliye ee u hartay Korneel Qadaafi taa oo ah magaaladda Sirta waana halka uu ku dhashay Qadaafi.

Dagaallo xooggan ayaa ka wali waxa ay ka socdaan magaaladda Sirta kuwaas oo u dhexeeya mucaaradka askarta difaaceysa Qadaafi.Sidoo kale wiilka kale ee u dhalay Korneel Qadaafi Sacdi ayaa hadal ka duwan kan uu sheegay

Saif al-Islam waxa uu siiyay Talafishanka Al-Arabia isagoo tilmaamay abaahiis Qadaafi in uu diyaar u yahay in la sameeyo wada hadal si loo soo afjaro dagaaladda lana dhiso dowlad sal wadaag ah .

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho Bartmaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: