read more »">
Calendar

Shir looga hadlayo isku xirka Soomaalida degan Den haag iyo Maamulka Magaaladaasi oo la qabtay.

P1020144

Shirkan oo ayaa aha a mid diirada lagu saarayey sidii wax badan looga qaban lahaa baahida Soomaalida degan magaalada Den haag,waxaana soo qaban qaabiyey howl-wadeeno ka shaqeeya dowlada hoose ee magaaladasi,iyaddoona shirkan uu yahay  mid ka duwan shirarkii hore ee ka dhici jiray magaaladaasi ee looga hadli jiray arrimaha soomaalida.

Madax kale duwan oo ka socotay dowlada hoose ee magaalada Den Haag ayaa joogay shirkaasi kuwaasina waxaa ka mid ahaa Rabin Baldswingh Xoghaya caafimaadka,waarida, warbaaxinta iyo ururada ahna xoghayaha degmada Escamp. Wakiilna u ahaa xoghayaha mudane Marnix Norder (maqane)oo qaabilsan arimaha hor’umarinta magaalada lagu soo qulqulay, dejinta iyo mujtamac dhexgalka ahna xoghayaha degmada Scheveningen.

Cali Yaxye oo kamid ah horjoogayaasha ururada soomaalida Holland ayaa maanta shirkan guddoominayey islamarkaana hadalka u qeybinayey dhamaan ka qeybgalayaasha shirkan,waxaana ugu horeyn uu hadalka siiyey Mudane, Baldswingh waxaana uu u sheegay ka qeybgalayaashii shirkaasi oo u badnaa soomaali inay u diyaar garooban la qabsashada dalka ay iminka joogan,isaga oo hadlayana waxa uu yiri,

P1020159

” Qofkasta oo idin kamid ah oo degan halkan “Den Haag”  waxaa waajib ku ah  inuu barto luqada Holland,sidoo kalana waa inuu ka shaqeeyo sidii uu u dhexgeli lahaa bulshada uu la nool-yahay.sida inuu wax la barto islamarkaana la shaqeysto si siman. Marka aan sidaasi leeyahay waxaan ula jeedaa inuu qof waliba mas’uuliyad u gaar ah oo saaran uu kasoo dhalaalo. Haddaba Maamulka Den Haag waxay dhabarka u ridan doonan horumarinta magaalada si taasi la mid ah ayaa Soomaalidana looga baahan yahay inay wax ula qeybsadaan bulshada ay noloshooda kusoo biireen ” ayuu yiri Mudane Baldswingh isagoona sii raaciyey hadalkiisa ,

” Maanta waxaa isugu nimid waa rajo aan ka qabno isbadel ku yimaado sida xaalka iminku yahay,waxaana ku rajo weynahay inay noqdaan wadahadalkeena kuwa miro-dhala, sidoo kale waa mid albaabka u fureysa isbarashada maamulka magaalada Den Haag iyo Soomaalida ku nool magaaladan” ayuu si ay ku jirto diirigelin u yiri mudanaasi.

Shirkan oo aha a mid ay goobjoog ka ahaayeen Hay’addo kor u dhaafaya 45 hay’adood ayaa waxaa mid waliba u matalayey shirkaasi hal qof, waxaana Hay’adahaasi  ka mid ahaa:

Den Haag op Maat oo qaablisan dadka dhibaatooyinka ay la soo darsaan gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Mondrian College oo ah mac’had waxbarasho kala duwan leh. Hay’adaha luqda Holandeeska  bixiya iyo isdhexgalka bulshada, Parnassia/I-psy oo ah hay’ad ku taqasustay  cuddurada maskaxda ku dhaco, Kalkaaliyayaal ka shaqeeya xaafadaha. Xafiisyada shaqooyinka, NIDOS oo ah hay’ad dawlada ugu xilsaaran caruurta qaxootiga ee aan waalidkood la socon  iyo dadweynaha Soomaliyeed ee ku nool Den Haag oo gaaraayay ugu yaraan 60 qofood.

P1020158

Maxamed Cilmi oo ka tirsan Dallada ay ku mideysan yihiin ururada Soomaaliyed ee Netherland intooda badan ayaa si weyn ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in la helo isku duubnida Soomaalida ku nool Dalkan,waxaana uu dhinaca kale uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in si weyn loo darso soomaalida u baahan in la gacan qabto ee ku nool magaaladan,isagoona ugu danbeyntii rajo ku dayasho mudan ku tilmaamay kulanka ka dhacay magaalada Den Haag.

Haweeneyda lagu magacaabi Kiin Maxamed oo ka mid ah Inter-lokaal Gemeente Nijmegen ayaa ka sheegeysay sida ay u caawiyaan Soomaalida ku nool magaalada Nijmegen,iyaddoona dhinaca kale sheegtay in howlahan oo kale ay muhiim u tahay dhamaan dadka u baahan inay garab joogta ah helaan,balse waxay hadalkeeda sii raacisay inaysan kaliya caawin soomaalida oo ay caawiyaan cidkasta oo u baahan caawinaadooda.

Farxiya Muumin oo ah gabadha ka mas’uulka ah mashruucan iyo Emma Dek oo ah qaanuun dejiso ayaa waxay soo bandhigeen ujeedada iyo hadafka ka danbeyey shirkan,Waxaana sidoo kale ay sheegeen faa’iidooyinka ugu jira ummadda Soomaaliyeed,iyaddoo taasi barbardhigay  qorshayaasha soo dhaw oo ay damacsan yihiin maamulka Magaalada Den Haag iyo sida ay muhiim utahay inay soomaalida ugu baraarugsanaadaan.

P1020157

Farxiya Mumin waxaa ay qeyb ka tahay haweenka Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee u taagan wax u qabashada Soomaalida Holland,waxaana had iyo jeer ay ka qeybgashaa kulamada iyo meelaha looga shaqeynayo danaha ummada Soomaaliyeed,waxaana marka aad fiiriso ujeedka shirkan aad ka dhex arkaysaa himilooyinka Farxiya ee ah inay soomaalida degan Den Haag la jeceshahay inay wax la qeybsadaan dadweynaha magaaladaasi ku nool ee isugu jira qowmiyado kala duwan.

Dhamaadkii shirkan ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay hidaha iyo dhanka Soomaalida,waxaana cajiib laheyn inay halkaasi hees si wada jir ah ugu qaadayeen GABAR HOLLAND u dhalatay iyo Wiil Soomaaliyeed, Iyadoo ay si weyn indhahaaga usoo jiidanayeen dharka ay soo xiratay oo ah kuwii soomaalida lagu yaqaanay iyo sida ay u keentay ku luuqeynta heestaasi soomaaliga ah,iyaddoo dhamaan dadkii halkaasi fadhiyey ay niyadsami u muujiyeen iskudaygaasi wanaagsan oo ay sameysay gabadha u dhalatay Holland.

Ugu danbeyntii ka qeybgalayaashii shirkaasi ayaa waxay ku balameen inay kasoo dhalaali doonan wixii ay kuwada hadleen oo ay  ugu horeyso xirir joogta ah oo ay  yeeshaan soomaalida iyo maamulka magaalada Den Haag,waxaana dhinaca kale lagu hishiiyey inay la gaarsiiyo fariinta shirkan ka soo baxday soomaalida kale ee aan madasha kasoo qeybgelin.

P1020161

Haddaba haddii aad tahay Soomaali u nool Den Haag waxaa muhiim ku ah in aad deg deg ula xirirto madaxda wada barnaamijkan, Waxaana kala xiriiri kartaan Hormuudka Barnaamijkan oo ah Farxiya Muuhim :

Email: [email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: