Calendar

Somalia & Risaaladii Islaamka

DAGAAL HORESomaliya ayaa waxay aheyd Waligeed meel uu islaamku saldhig lagama maar maarn u ah ,sida taariikhda ku og tihiin 7 ilaa 10 century ee qarniyadii hore ayaa waxa somali yimid Asxaabtii rasuulka qeyb ka mid ah ,iyadoo ay somalia u noqotey meesha kaliya oo ay ku badbaadi karaan kuna badbaadin karaan diinteena islaamka ah ee aan maanta heysano iyadoo Nabigeena naxariis dushiisa ha ahate uu ku amrey in ay tagaan ardul ( xabasha oo la isku oran jiray Somalia & Etopia ).

Waxay kasoo dageen dakada Seylac oo ku taal waqooyiga somalia, halkaas oo ay ka fidiyeen risaladii oo ay gaarsiiyeen ugu horeyti somali oo dhan waqooyi ilaa konfur iyo qeyb ka mid ah jihada galbeedka somalia ka xigta .

Taariikhdu markey aheyd 1331 ayaa waxa somalia Yimid Ninkii loo yaqaney Ibnu batuuta oo ahaa Nin safaro badan aduunka ku tagi jirey waxna ka qori jiray safardiisa .

Ibnu batuta ayaa Mogdishu markuu yimid layaabey oo ku tilmaamey meel ilbaxnimo badani ay taal islaamkuna xoog ku lee yahay . Waxa oo uu kaloo yiri Somkalidu waa dad qani ah oo xoolo badan heysta kuna qanacsan noloshooda  ahna dad ganacsiga si wanaagsan u yaqaan .waxa oo kaluu yiri waa dad geela aad u dhaqda oo doomo badana leh . Waxa oo kaluu kula taliyay arabtii uu kulaabtey in ay somalia tahay meel istiraajiti ah oo ganacsiga iyo diinta fidinteedaba ku wanaagsan reer somaliyana ay yihiin dad sharfa martidooda oo dhaqan wacan leh.

Waqtigaas ayaa waxa ay somalidu ka baxdey boqortooyadii Amxaarada ,iyadoo yeelatey boqortooyo Khaas u ah Somalida 15 ilaa 16 century halkaas oo ay maamulkeedu gaarey ugu horeytii 9 gobol waxaana loo bixiyay boqortooyadii (adel empire ) Waxa imaam ka noqdey Boqortooyadaas Geesigii IYo halyeeygii weyna ee la oran jiray Ahmed gurey. Waxa uu axmed gurey xooga saarey in uu qabsado dhulka amxaarada ay ka talineysey wagaas oo boqorad ay ka aheyd naag la yiraahdo ( labna dangal ).

Taariikhdu markey aheyd 1520 ayaa waxa uu imaam Axmed gurey Al-gazi dagaal jihaad ah ku qaadey Etopia halkaas oo uu ka guuleystey isagoo qabsadey Ethopia oo dhan una gudbay Erateria iyo sudan. Wuxuuna ku fidiyay diinta islaamka oo inbadan dadku ay qateen waqtigiisii.

Kadib 18-19 century markii gumeysteha oo huwana cimaamad kristian ah uu usoo gurmadey Ethopia ayaa waxa adkaatey in ay somalida la dagalamaan reer galbeedkii iyo Etopian iswata oo weerar kusoo qaadey somalia, Halkaas oo gumeystihii u ku qeybsadey somaliya.

Sidaas oo ay tahay kama aan sheekeen halgamaagi weyna Sayid Mohamed Abdula Xasan iyo dadaaladiisii uu ku qaadey gumeytaha, isagoo riyadiisu aheyd inuu mideeyo somali oo dhan .

Waxaana loo qeybiyey 5 shan qeyb oo labo qey oo kaliya ay somalidu ku midowdey ,halkaas oo ay kamaqnayeen Ogaden IYo NFD Jabuti. Waxa  Somaliye ay waligeed riyadeedu aheyd in ay midowdo si ay dhowrato nimcada dhulkeeda yaal oo fara badan iyo somaliyoo aheyd meel waligeed reer galbeed iyo Etopian ay isha ku heysey madaama taariikhda somalidu ay aheyd taariikh ku saleysan islaam oo Somalidu ay ka aheyd islaamka mar walba xoog aan laga maarmin iyo nasri ilaahey ku maneystey somalida oo hadeysan u halgamin islaamka uusan maanta heerkan soo gaaraan.

Somalida waxa u xoroobay labadan qeyb oo aad ka aragtaan sawirkan ,lakiin mar walba waxa ay somalida isku dayayeen in ay soo xero galiyaan walaalahood oo ahaa Ogadeen Iyo nfd IYo jabuuti oo mal walba uu gumeystaha isaguna fara gashi badan kulaha arintaas oo dagaalkii 1977 aad ka aragtaan sida ay reer galbeedka ugu hiiliyeen in aysan somalidu aysan xorey Ogaden ,halkaas oo si bareero ah loo taageerey Etopia oo xata ciidamo shisheeye ay ka dagalameen. Waxa kaloo Jabuti loo saamixi waayey in ay walalahood somalida ay ku biirto, halkaas oo faransiiska balanqaadyo been ah uu ku waaley jabuuti ,isagoo u diidana in ay racaan walalahood somalia.

Burburkii somalia waxa si weyn uga shaqeeyay Etopia iyo dowlada reer galbeed ah , waxaana aragtaan natiijadiisa maanta oo aysi toos ah Etopia ugu lee dahay siyasada somalia door weyn oo qof kasta uu arko .

Waana arin qofkasta oo somalia uu iska arki karo xiriirada qarsoon ay lalaeedahay Ethopia maamulada Somalia ka jira IYO kooxaha somalia ku dagalamaya ,taas oo ay ka lee dahay hadaf kaas oo ah intii ka hartey somalia in lagu daro Etopia .

Waana istiratiijiyad laga dajiyay dowladaha reer galbeedka ,si loo dhameystiro wax la yiraahdo somali iyo Somalinimo .
Waxa aan halkaan kusoo bandhigey maaha taariikhdii oo dhan lakiin waa in yar oo aan damcay in aan tusiyo qofkastoo somali ah oo somalinimadu ku weyn tahay, si uu isku weydiiyo xage somali ku danbeyn doonta .

Dad badan ayaa waxa ay isweydiiyaan xage noo wadaan ragan siyaasiyiinta isku sheegaya oo maanta somalia ka taliya, ma waxa ay  somalia doonayaan in ay ka dhigaan inta hartey Gobolka 8 iyo kan 9 eed ee Ethopia waana arin dhici karta hadaan hada laga hor tagin oo ay somali iska gaarin. Waa tan nagusoo socoto arki karana qofkastoo somali ah lana socdo sida ay somalia wax u socdaan ,halkaas uu arki karo sida ay Ethopia Somaliland,Puntland Jini land ay u bixisay somalia iyo meesha aan ku danbeyn doono iyo tariikhdeenu meesha ay ka bixi doonto.

WQ/ Dr : Ali Warsame

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: