Calendar

Soomaaliya oo taagero buuxda kala soo noqotay shirka Midowga Afrika

somalia AU somalia AU

Madaxda dalalka Afrika ayaa waxaa ay garab ka siinayaan Soomaaliya howlgalada lagula jiro Al-Shabaab. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa wuxuu yir” Anaga hadda waan ka fiicanahay 20 sanno ee lasoo dhaafay. Taasna waa mid aan anaga oo kaliya gaarnay ma’ aha ee waxey ku timid kaalmadda aan ka heleyno saxibadeena. Waqtigii waa la gaaray ay dowladda ka dhabeyn laheyd in uu dalka noqdo mid nabad ah ay muwaadiniinata ku nool yihiin amni. Africa way na garab taagan tahay, waana u mahad celinayaa walaalaheena taageradda aan kala go’a laheyn.”

Shirar badan oo kala duwan ayuu Madaxweyne Xassan la qaatay madax kala duwan. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulan la qaatay Raisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Heile Meriiam Desalegn. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmay Linda Thomas Greenfielf oo Maraykanka u qaabilsan Afrika. Kulamadaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo Af-jari lahaa Al-Shabaab sanadkan 2014.

“Soomaaliya waxey uga mahad-celineysaa dowladda Maraykanka taagerida uu Maraykanka ka taagero dhanka amniga iyo qalabeynta” saa waxaa yiri Madaxweynaha.”

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: